Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.

Qore Axmed Jama AK
March 17 2017

Ateltico v Leicester CityAtletico Madrid iyo Leicester labo jeer ayay isku arkeen tartamada Yurub, kooxda reer Spain ayaa badisay labadaas jeerba. Wareegii hore ee European Cup Winners Cup ee xilli ciyaareedkii 1961/62 oo ay Atletico Madrid natiijo wadareed 3-1 ku badisay iyo wareegii hore ee UEFA Cup ee xilli ciyaareedkii 1997-98 oo ay Atletico natiijo wadareed 4-2 ku badisay.Atlético waligeed guuldarro kama aysan soo gaarin koox Ingariis ah iyagoo gurigooda ku ciyaara, 10 jeer ayay kooxaha Ingariis soo dhaweeyeen shan guul iyo shan barbaro ayayna ka heleen. Laakiin 10ii kulan ee ay England booqdeenkaliya labo jeer ayay badiyeen afarjeer waa laga badiyay waxaana ay barbaro galeen afar jeer.Booqashadoodii ugu danbeysay ee England waxa ay aheyd mid guul ah iyagoo 3-1 kaga badisay Chelsea sannadii 2014 semi-finalka Champions League ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay lugtii hore soo galeen. Fernando Torres iyo Diego Costa oo labada kooxood u kala joogay markaas ayaa shabaqa soo kala taabtay.Dortmund v MonacoMonaco iyo Dortmund waligood kuma kulmin tartan Yurub waana markii ugu horeysay ee ay is arkayaan.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2010-11 waxa uu amaah ku joogayMonaco, isagoo dhaliyay labo gool23 kulan uu u saftay.Bayern Munich v Real MadridMadrid ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Bayern oo ay ku jirto semi-finalkii 2013-14 markaasoo kooxda reer Spain oo uu macalin uahaa tababaraha haatan ee BayernCarlo Ancelotti ay lugtii labaad ee Munich ka dhacday ay ku badiyeen 4-0 waana guularadii ugu cusleyd ee Bayern ku soo gaarta gurigeeda tartamada Yurub.Real Madrid iyo Bayern Munich waxa ay wareegyada bug baxda isku arkeen 10 jeer, koox walba shan jeer ayay soo baxday.10 sannadood ka hor, Roy Makaayayaa taariikh u dhigay Champions League markii uu weeraryahanka Bayern uu shabaqa ka soo taabtaygoolhayihii Real Madrid Iker Casillas kaliya iyadoo ay ciyaarta socotay 10.12 ilbiriqsiyo – welina waa goolkii ugu dhakhsaha badnaa taariikhda koobka.Dhamaan 22ka kulan ee ay Madridiyo Bayern isku arkeen tartamada rasmiga ah waa Champions League, Madrid ayaa badisay sagaal jeer, Bayern waxa ay badiyeen 11 jeer halka labada kulan kale ay barbaro galeen; Madrid waxa ay dhalisay 31 gool mudadaas halka Bayern ay dhalisay 33 gool.Carlo Ancelotti ayaa labo xilli ciyaareed tababare ka ahaa Santiago Bernabeu intii u dhaxeysay 2013 iyo 2015 isagoo ku guuleystay Champions League xilli ciyaareedkiisii u horeysay.Juventus v BarcelonaIsku aadka Juventus iyo Barcelonaayaa la micno ah in Dani Alves uu dib ugu laaban doono Camp Nou isagoo 247 kulan u saftay kooxda reer Catalan sideed sanno uu joogay halkaas ka hor inta uusan xagaagii hore u soo wareegin Turin. Markii la weydiiyay Talaadadii kooxda uu doonayo inay wajahaan, waxa uu ku jawaabay: “Koox walba oo aan ka aheyn Barcelona.”Juventus iyo Barcelona dabcan waxa ay ku kulmeen finalkii Champions League ee 2015 ka dhacay Berlin, kooxda reer Spain ayaa 3-1 ku badisay ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Ivan Rakitic, Luis Suarez iyo Neymar; Alvaro Morata ayaa goolka kaliya u dhaliyay Juventus.Finalkii 2015 waxa uu ahaa kaliya kulankii todobaad ee tartan rasmi ah ee ay iska horyimaadaan labada kooxood ee Barcelona iyo Juventus. Barcelona ayaa badisay seddex jeer, Juve waxa ay badisaylabo jeer, halka labada kulan kale ay barbaro ku dhamaadeen. Barca waxa ay mudadaas dhalisay 10 gool, Juventus sideed gool.Juve waxa ay Barcelona ku reebtay wareega sideeda Champions League xilli ciyaareedkii 2002-03, iyagoo 2-1 ku badiyay kulankii Camp Nou, Marcelo Zalayeta ayaa dhaliyay goolka muhimka ahaa lix daqiiqo markii ay ka harsaneyd waqtigii dheeriga ahaa; lugtii hore ee Turin waxa ay ku soo dhamaatay 1-1.

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah