Chelsea vs Spurs – Arsenal vs Man City – Taariikhda & Saacadda La Ciyaari Doono Kulamada Quarter Finalka FA Cup-ka Oo La Shaaciyay.

Qore Axmed Jaamac AK

March 17 2017

Inkastoo qof walba uu ku mashquulsan yahay isku aadka koobka horyaalada yurub ee Champions League hadana, xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa soo saaray taariikhda iyo waqtiyada ay dhici doonaa kulamada wareega quarter finalka koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka.
Kooxaha magaalada London aad ugu xifaaltama ee Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa is wajahi wareegaan iyagoo si awood leh kusoo gaaray waxeyna soo kala reebeen Millwall iyo Manchester United.
CHELSEA vs TOTTENHAM:
Kulanka London Derby wuxuu dhici doonaa maalin Sabti ah – 22-ka April, saacadda Geeska Afrika markey tahay 8:15 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika.
ARSENAL VS MAN CITY:
Pep Guardiola vs Arsene Wenger – kulankooda wuxuu dhici doonaa Axad, 23-ka April, Saacadda geeska Afrika markey tahay 6:00 Maribnimo xiliga Geeska Afrika.
Arsenal waa kooxdii ku guuleysatay tartankaan 2014 iyo 2015, waxeyna wareegii hore soo reebtay kooxda yar ee Lincoln, halka City ay soo quusisay Middlesbrough.

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.