DEG-DEG: Anderlecht vs Man United, Ajax vs Schalke – Isku Aadka Wareega Quarter Finalka Europa League Oo La Sameeyay

Qore Axmed Jaamac AK
March 17 2017
Isku aadka tartanka labaad ee ugu xiisaha badan qaaradda yurub UEFA Europa League ayaa la sameeyay kadib isku aadkii UEFA Champions League – waxaana koobkaan isha lagu wada hayay kaliya kooxda Manchester United oo ah kooxda ugu tunka weyn ee ku jirta marka la fiiriyo hanaanka taariikhiga ah ee qaaradda yurub.
Manchester United waxey ku aaday kooxda Anderletch ee dalka Belgium-ka, Maroune Fellaini ayaana dib ugu laaban doona dalkiisa kulanka lugta hore ee la booqan doono kooxda Anderletch.
Dhinaca kale kooxda Celta Vigo ee dalka Spain ayaa ku aaday kooxda Genk ee dalka Belgium-ka, waxaana xusid mudan in Ajax iyo Schalke 04 ay is wajahi doonaan.
Lyon oo wareega 16-ka kasoo gudubtay As Roma waxeyna markaan gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa lugta hore kooxda Besiktas ee dalka Turkiga.
ISKU AADKA OO DHAMEYTIRAN:
Anderlecht (BEL) vs Man. United (ENG)
Celta (ESP) vs Genk (BEL)
Ajax (NED) vs Schalke (GER)
Lyon (FRA) vs Beşiktaş (TUR)
Kulamada lugta hore ee wareega quarter finalka UEFA Europa League waxaa la ciyaari doonaa 13-ka April, halka lugta labaad la ciyaari dono 20-ka April.

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.