DEG-DEG: Bayern vs Real, Juve vs Barca – Isku Aadka Wareega Quarter Finalka Champions League Oo La Sameeyay.

Qore Axmed Jaamac AK
March 17 2017
Isku aad aan caadi aheyn ayaa ka dhacay magaalada Nyon ee dalka Switzerland wxaana kasoo baxay xafladda isku aad culus, waxaana la daawan doonaa kulamo loo dhararo oo durba qof walba uu siiyo dareenkiisa kubadda cagta.
Bayern Munich iyo Real madrid ayaa isku aaday wareega 8 aad ee koobka horyaalada yuurub, waana mid ka mid ah kulamada ugu weyn ee tartankaan, sidoo kalana kulan kale oo weyn ayaa ka dhacay waana Juventus iyo Barceona kuwaas oo sanadkii 2015 isku arkay finalkii ka dhacay Berlin.
Leicester City ayaa wajahi doonta Atletico Madrid, halka Dortmund iyo As Monaco ay isku beegmeen, waxaana inta badan isku aadkaan lagu sifeyn karaa mid kooxaha waaweyn ay isku jabi doonaan ugu yaraan laba kooxood oo aan loo saadalineynin tartankaan ayaa gaari doona Semi Finalka tartanka.
ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Atletico Madrid vs Leicester CityBorrusia Dortmund vs As MonacoFc Bayern Munich vs Real MadridJuventus vs Barcelona
Kulamada lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 11/12ka bisha April halka kulamada lugta labadaa la dheeli doonto 18ka iyo 19ka bisha April iyadoo 21ka bisha soo socota la qaban doono isku aadka wareega afar dhamaadka.
Maxay idin la tahay isku aadka maanta la qabtay. Kooxahee ayaad saadaalineysaa inay u soo gudbi doonaan wareega afar dhamaadka?

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.