Man United Oo Iska Xaadirisay Siddeed Dhamaadka Europa Leaque-ga, Juan Mata Oo FC Rostov Dhulka Dhigay Xili Paul Pogba & Daley Blind Dhaawacyo Soo Gaadheen.

Juan Mata ayaa kooxdiisa Manchester United ka caawiyay in ay u soo baxdo wareega siddeed dhamaadka tartanka labaad ee kooxaha Yurub ee Europa Leaque-ga kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee ay Rostov guusha kaga gaadhay kulankii Old Traffrod ka qabsoomay. Man United oo sharciga goolkii martida ahaa ugu soo bixi kartay wareega xiga ee Europa Leaque-ga ayaa xili danbe heshay goolka ay booskeeda ku sii xaqiijisatay.
Laakiin Manchester United ayaa kulankan ku wayday Paul Pogba iyo Daley Blind oo labada xidigba kulankan dhaawac looga saaray inkasta oo ay Red Devils qiimayn doonto xaaladooda. Mourinho iyo kooxdiisa ayaa qayb ka noqonaya kooxaha loo samayn doono isku aadka sideed dhamaadka Europa Leaque-ga. Man United ayay sideed dhamaadka Euorpa Leaque-ga kula biirtay kooxaha Ajax,  Anderlecht,  Beşiktaş, Celta Vigo, Genk , Lyon iyo Schalke.
SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD:
Manchester United (4-2-3-1): Romero; Valencia, Smalling, Bailly, Rojo; Blind, Herrerra; Mkhitaryan, Pogba, Mata; Ibrahimovic.
Kaydka:De Gea, Jones, Carrick, Fellaini, Young, Lingard, Rashford.
Rostov (5-3-2): Medvedev; Bayramyan, Mevlja, Navas, Kudryashov, Terentjev; Noboa, Prepelita, Erokhin; Azmoun, Poloz.
Kaydka:Kireev, Bukharov, Devic, Goshev.
Manchester United ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo isha ku haysay in ay u soo baxdo sideed dhamaadka Europa Leaque-ga kadib markii ay barbaro 1:1 ah la soo gaashay kooxda Rostov kulankii lugtii hore ee wareega 16 ka kooxood ee tartanka Europa Leaque, waxayna United u baahnayd kaliya in aan wax gool ah lagu dhalin garoonkeeda Old Traffrod iyada oo sidaa ugu soo baxsanayd sharciga goolasha martida ah.
Laakiin Mourinho ayaa doonayay in kooxdiisu ay kulankan xili horeba iska disho wuxuuna soo xushay shax ay ka muuqatay in uu Rostov dhibaato badan ku abuuro. Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabtay daradar xoogan iyo fursad abuuris aan la rumaysan karin, laakiin haddaba ma rumaysan kartid qaabka ay kooxda Mourinho ugu fashilantay in dhaafto kooxda martida u ahayd ee dhibaatada badan la kulmaysay ee Rostov.
DAQIIQADII 5 AAD Marcos Rojo ayaa ugu dhawaaday in uu Manchester United u dhaliyo goolka furitaanka isaga oo darbo madax ah ku bartilmaameedsaday goolka Rostov  laakiin goolhaye Medvedev ayaa kubbada iska joojiyay si uu kooxdiisa gool cadaan ah uga badbaadiyo laakiin Ibrahimovic ayaa kubbada markiiba goolka ku celiyay balse darbadiisa ayaa birta goolka ku dhacday!!!.
Ciyaarta ayaa noqotay Manchester United oo abuuraysa fursado aan tiro lahayn iyo Rostov oo si adag u difaacanaysa iyada oo waliba goolhayaheeda Medvedev uu dhibaato ku ahaa Manchester United. Waxaa markasta la filan karayay in goolka Man United uu waqti kaliya ka xigo laakiin xaalada ayaan noqon sidii laga filayay.
DAQIIQADII 29 AAD Manchester United ayaa ugu danbayn u muuqatay in ay heshay goolka fursadaha badan loo qasaariyay kadib markii uu Mkhitaryan kubbada fool-ka-fool ah uu kula soo baxay goolka Rostov laakiin waxa uu awoodi waayay in uu kooxdiisa u dhaliyay fursad CADAAN AH oo gool loo fishay!!!.
DAQIIQADII 33 AAD BIRTA GOOLKA!! Nasiib xumada Manchester United ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana darbo xoogan oo cajiib ah goolka Rostov ku tuuray Zlatan Ibrahimovic kaas oo doonayay in ugu danbayn uu jabiyo ismari waaga kooxdiisa iyo inkaarta fursad qasaarinta Red Devils kulankan ka haysatay laakiin Zlatan ayaa arkay darbadiisa oo markale birta goolka ku dhacday.
Haddii ay Manchester United nasiib xumo saaxiib u noqotay kooxda martida ahayd ee Rostov ayaa ahayd kooxda uu nasiib ku la jiray isla markaana ka badbaaday fursado ay Manchester United ciyaarta ku dili kartay. Ugu danbayn si aan la rumaysan karin labada kooxood ayaa garoonka ka baxay waqtigii nasashada iyada oo barbaro gool la’aan ah ay ciyaartu tahay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Mourinho iyo jamaahiirta Manchester United ayaa walwal dhaawac la kulmay kadib markii uu Paul Pogba awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana kaydka looga yeedhay Marouane Fellaini si uu khadka dhexe uga badalo Pogba.Pogba ayaa daqiiqadii 48 aad ee bilawgii qaybta labaad garoonka ka baxay.
DAQIIQADII 54 AAD Rostov ayaa u muuqatay in ay ugu danbayn Man United ku dhibaato ku sababi karto waxaana darbo goolka Red Devils ku bartilmamaeedsaday Azmoun laakiin goolhaye Romero ayaa markii loo baahday kooxdiisa halisa ka badbaadiyay.
DAQIIQADII 64 AAD Markale Mourinho ayaa lagu qasbay in uu badal sameeyo kadib markii Daley Blind uu dhaawac soo gaadhay waxaana markan kaydka looga yeedhay Phil Jones iyada oo Mourinho uu laba badal sameeyay isaga oo aan doorasho kale haysan.
DAQIIQADII 70 AAD GOOOOOOOOOOL!! Ugu danbayn Manchester United ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana u saxiixay Jaun Mata kadib markii Mkhiyaryan iyo  Zlatan Ibrahimović oo goolkan caawintiisa sameeyay ay weerar deg deg ah soo qaadeen, waxayna ugu danbayn ciyaartu noqotay 1:0 Red Devils hogaanka ciyaarta kula wareegtay waxayna Rostov lumisay qaabkii adkaa ee ay ciyaarta wali baaqiga ugu sii ahayd.
DAQIIQADII 78 AAD Alla maxay gool badbaadin ahayd!! Kooxda Rostov ayaa u muuqatay in ay bixisay jawaabtii ugu saxsanayd ee ay goolka barbaraha kula iman kartay kadib markii uu Bukharov uu wadnaha xanuujiyay jamaahiirta Old Trafford laakiin goolhaye Romero ayaa u sheegay in ay gacmo amaan ah ku jiraan wuxuuna kooxdiisa ka badbaadiyay fursad xaalada ku adkayn lahayd.
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhmaaatay 1:0 ay Manchester United ku garaacday kooxda Rostov oo iska caabin difaac u badan kala hortimid waxayna wadarta labada kulan ku garaacday kooxda 2:1. Manchester United ayaa boos ka heshay wareega siddeed dhamaadka Europa Leaque-ga.

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.