Meel Ku Sii Qoro! Taariikhda Ay Koox Walba Ciyaari Doonto Wareega Sideed Dhamaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Qore Axmed Jaamac AK
March 17 2017
Sida aan idiin soo gudbinay waxaa la sameeyay isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions League iyadoo kulamo waa weyn oo xiiso badan ay ka soo baxeen sida Bayern Munich iyo Real Madrid oo geesaha isgelin doona iyo ku celiska finalkii Champions League ee 2015 oo Juventus iyo Barcelona ay mar kale is arki doonaan.
Hadaba UEFA ayaa haatan shaacisay taariikhda ay koox walba ciyaareyso lugta koowaad iyo lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League.
Kulanka ay Borussia Dortmund martigelineysa Monaco iyo kulanka ay Barcelona u safreysa Juventus ee lugta hore ee wareega 8da ayaa la ciyaari doonaa 11ka bisha April.
Kulanka Atletico Madrid soo dhaweyneyso Leicester City iyo kuwa ay Allainz Arena ka dhici doona ee Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa iyadana la ciyaari doonaa 12ka bisha April.
Lugta labaad marka ay Leicester City martida u tahay Atletico iyo marka ay Real Madrid soo dhaweyneyso Bayern Munich waxaa la ciyaari doonaa 18ka bisha April
Halka lugta labaad ee kulamada Monaco iyo Dortmund & kulan kale ee Barcelona iyo Juventus la dheeli doono 19ka bisha April.

Taariikhda La Ciyaarayo Wareega 8da:

LUGTA HORE
11ka April:
Borussia Dortmund v Monaco
Juventus v Barcelona
12ka April
Atletico Madrid v Leicester City
Bayern Munich v Real Madrid
LUGTA LABAAD
18ka Aprill
Leicester City v Atletico Madrid
Real Madrid v Bayern Munich
19ka April
Monaco v Borussia Dortmund
Barcelona v Juventus

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.