Miyuu Jose Mourinho Iibin Lahaa Angel Di Maria, Danny Welbeck Iyo Chicharito? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Qore Axmed Jaamac AK
March 17 2017
Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis iibin laheyn Angel Di Maria iyo Javier Hernandez hadii uu kusoo gaari lahaa waqtigooda garoonka Old Trafford.
Di Maria ayaa soo gaaray Manchester United 2014 iyadoo laga filayo inuu si fiican uga soo dhalaalo horyaalka Ingiriiska, balse taliskii Louis Van Gaal ayuu ku hoos fasilmay taasoo keentay inuu sanad kadib u guuro Paris Saint Germain halkaaas oo uu ku hantay horyaalka faransiiska sanadkiisii ugu horeeyay.

“Markii ugu horeysay ee aan imaanayay waxaan helay koox murugeysan, Manchester United waxey iibisay ciyaartoy aan waligey iibin laheyn, waxeyna soo iibsadeen ciyaartoy aan waligey soo iibsan laheyn” ayuu u sheegay BBC.
“Waligey ma iibiyeen Di Maria, Chicharito ama Danny Welbeck”
Dhanka kale Mourinho ayaa difaacay qaab ciyaareedka Paul Pogba kaas oo dhaleeceyn culus dusha looga tuuray sidoo kalana wuxuu ka hadlay saameynta Zlatan Ibrahimovic ee kooxdisa.

“Uma ahan wax fudud Pogba” ayuu yiri Jose, “Wadanka aad ayuu uga duwan yahay kubadda cagta talyaaniga, aad bey ugu adag tahay, kama niyad jabsani isaga, waxa ugu muhiimsan wxey tahay shaqsiyadiisa, waa ciyaariyahan xirfadle ah wuxuuna sameyn doonaa hormar waan hubaa”
“Zlatan layaab iguma ahan aniga, waan aqanaa shaqsiyadiisa, waan aqaanaa jirkiisa, waana garanayaa hamigii aan halkaan u keenay”
Ugu dambeyntiina Jose Mourinho ayaa ku amaanay Zlatan Ibrahimovic inuu meel walba oo uu tagay uu saameyn ku yeeshay min bilow ilaa dhamaad

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.