RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska xulka qarankiisa ee kulamada caalamiga ah ee dhawaan la ciyaari doono wuxuuna liiska kooxdiisa ka reebay ciyaartoy magac wayn ku leh France. Laakiin da’yarka kooxda AS Monaco ee Kylian Mbappé oo aduunka kubbada cagta kaga yaabsatay tayadiisa ayaa isaga oo 18 sano jir ah looga yeedhay xulka qaranka France.
Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaan liiska xulka qarankiisa boos uga helin dhamaan xidigaha kala ah A. Lacazette , M. Sissoko,  A. Laporte,  S. Mandanda , T. Bakayoko , Morgan Schneiderlin,  K. Coman,  Anthony Martial iyo Karim Benzema oo markan la filayay in ciqaabta laga qaadayo.
Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa eedaynta badan ee loo soo jeedinayo Paul Pogba oo liiskan ku soo baxay ka difaacay wuxuuna yidhi: ” Dadku isaga ayay markasta ka hadli doonaan, anigu waxaan ku faraxsanahay bandhigiisa Manchester United”. Laakiin Kylian Mbappé uu ku soo baxay liiska xulka qaranka France ayaa muujinaysa sida uu Didier Deschamps u dhiira galinayo ciyaartoyda qaab ciyaareedka fiican ku jira da’da ay doonaan ha ahaadaane.
LIISKA XULKA QARANKA FRANCE EE UU DESCHAMPS SOO SAARAY: Areola, Costil, Lloris; Kimpembe, Koscielny, Kurzawa, Mendy, Rami, Sagna, Sidibe, Umtiti; Kante, Lemar, Matuidi, Pogba,Rabiot, Tolisso; Dembele, Gamiero, Giroud, Griezmann, Kylian Mbappé, Payet, Thauvin.

Comments

Popular posts from this blog

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.