Suuqa Kala Iibsiga: Barcelona Oo Dooneysa Iney Lasoo Saxiixato Marco Verratti & Hector Bellerin Xagaagan.

Qore Axmed Jaamac AK
March 17 2017
Barcelona ayaa dooneysa iney qorshe cusub la timaado xagaaga dambe, waxeyna doonayaan iney soo xerogaliyaan xidigaha da’da yar ee Marco Verratti o ka tirsan Paris Saint Germain iyo Hector Bellerin oo ka tirsan kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal.
Tababare Luis Enrique ayaa isaga tagi doona kooxda Balaugrana marka uu dhamaado xagaagan inkastoo aysan wali go’aansan kooxda ka dhisan gobolka Catalan badalkiisa, hadana durba waxey muujiyeen maamulka iney u heelan yahiin labadaas xidig.
Si kastaba Barcelona waxey muddo badan xiiso u qabtay xidigaan reer talyaani waxeyna xiriir la sameysay wakiilkiisa Donato Di Campli kaas oo ay wax ka weydiisay arimahiisa sidoo kalana wuxuu xidigaan sii kasbaday qalbiga maamulka Barcelona kulan ciyaareedkii ay PSG kusoo ciqaabtay magaalada Paris.
 wakiilkiisa Donato Di Campli kaas oo ay wax ka weydiisay arimahiisa sidoo kalana wuxuu xidigaan sii kasbaday qalbiga maamulka Barcelona kulan ciyaareedkii ay PSG kusoo ciqaabtay magaalada paris

Dhanka kalana Barcelona wali kama quusan helitaanka Hector Bellerin oo ah da’yar kusoo koray kooxda Barcelona, sidoo kalana dooqooda labaad waa Joao Cancelo oo ka tirsan Valencia hadii ay ku hungoobaan Bellerin.
El Mundo Deportivo ayaa sidoo kale baahineysa in Barcelona ay diyaar u tahay iney adkeyso khadka dhexe madama uu si hawlgabayo Andreas Iniesta waxeyna qorshaha ku darsadeen iney dib usoo celiyaan Thiago Alcantara oo ku sugan kooxda Bayern Munich.
Dhanka kalana Barcelona wali kama quusan helitaanka Hector Bellerin oo ah da’yar kusoo koray kooxda Barcelona, sidoo kalana dooqooda labaad waa Joao Cancelo oo ka tirsan Valencia hadii ay ku hungoobaan Bellerin.
Ugu dambeyntiina warbixinada waxey sheegayaan in Barcelona ay liiska ku darsatay daafaca reer Colombia Yerry Mina kaas oo ay dooneyso iney ku xoojiso daafaceeda



Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.