United oo kusii dhawaaneysa saxiixa Lukaku

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa u muuqda in ay yihiin labada kooxood ee sida tooska ah ugu dagaalamaya saxiixa gool dhaliyaha kooxda Everton ee Romelu Lukaku kaas oo cadaystay in aanu Everton ku gaadhaydh hamigiisa ah in uu koobab ku guulaysto isla markaana uu Champions leaque-ga ka ciyaaro.
Chelsea ayaa markii hore u muuqatay in ay tahay kooxda Lukaku dib ugu soo celin kartay Stamford Bridge laakiin Mourinho ayaa u muuqda in uu kooxdiisii hore ee Blues ku garaacayo saxiixa xidigii uu sida sahlan Chelsea kaga diray ee Lukaku. 23 jirkan ayaa hogaaminaya gool dhalinta premier Leaque-ga oo uu 19 gool ilaa hadda ka soo dhaliyay.
Waxaa wararkii Manchester United la xidhiidhinayay Lukaku dabka ku sii shiday in wakiilka xidigan ee Mino Raiola uu soo gaadhay Hotelka ay dagan yihiin ciyaartoyda Manchester United iyo macalinkooda Mourinho ee ka hor kulanka Rostov ee Europa Leaque-ga. In wakiilka Lukaku ee Mino Raiola uu soo gaadhay Manchester ayaan cirka ku shareertay wararkii markii horeba laysla dhex marayay ee ahaa in United ay Chelsea ka dulqaadayso saxiixa Lukaku.
Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa xagaagii la soo dhaafay Manchester United ka dilaalay soo xero galinta saddexdii ciyaartoy ee ay la soo wareegeen ee kala ah Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan waxayna markale United doonaysaa in Mino Raiola uu kooxdooda ka caawiyo qaabkii ay Lukaku kaga soo qaadan lahayd Everton.
Chelsea ayaa la sheegay in ay 100 milyan oo gini ku doonayso Lukaku iyo Barkley oo Everton ka wada tirsan laakiin saxiixa Lukaku ayaa haddaba u muuqda mid ay kooxaha Red Devils iyo Blues si xoogan ugu wada tartami doonaan laakiin United ayaa haysta xidhiidhka fiican ee wakiilka Lukaku ee Mino Raiola inkasta oo Lukaku uu maanka ku hayo xusuustii xumayd ee uu Mourinho u gaystay markii ay Chelsea wada joogeen taas oo Chelsea fursad kale siin karta.
Ilaa hadda ma jirto wax faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxday kulanka uu wakiilka Mino Raiola kula jiro maamulka kooxda Manchester United, laakiin wax kasta oo ka soo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeena danbe insha Allah.

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.