Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

Wasiirka ammniga ee dalka Britian ayaa ku eedeeyay shirkaddaha adeegyada internet-ka inay ku fashilmeen inay gacan ka geystaan wax ka qabashada halista argagixisada, iyo in ay yihiin “beenayaal faa’iido doon ah”.Wasiirka Wasaaradda Ammniga Ben Wallace, ayaa sheegay in baraha bulshada sida Facebook, Google iyo Youtube, ay aad ugu liitaan inay ka saaraan barahaasi waxyaabaha xagjirka ah, taasi oo ku qasabtay xukuumadda Britain inay ku bixiso malaayiin doolar si loola tacaalo dhibaatada ka dhalan karta umuurtaasi.Wasiirka ayaa ka digay in shirkaddaha internet-ka la canshuuri doono hadii aysan iskaashi la sameyn xukuumadda.Wasiirka oo Axadii la hadlayay Waregeyska Sunday Times, ayaa waxa uuMr Wallace sheegay in internet-ku noqday “goob fowdo iyo rabsho ah”, sababtoo ah nidaamyada fariinta la isugu duubo oo qarsoon.Sida shirkadda WhatsApp-kaoo kale oo diiday inay gacan ka siiyaan laamaha ammaanka in la aqoonsado argagixisada.

Qore Ahmed Jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.