Mareykanka oo macluumaad dheeri ah ka bixiyay duqeyn ay ka geysteen Somalia
Taliska Ciidanka Maraykankaee Afrika (Africom) ayaa sheegay inay diyaaradahooda dagaalku dileen Afar ka tirsan Al-Shabaaba, isla maraakanaay burburiyeen Gaari miineysan oo la doonayay in lagu qarxiyo gudaha Muqdisho.Duqeynta oo la sheegay inay ka dhacday meel 25 Km qiyaastii dhanka Koofureed kaga beegan Muqdisho ayaa ahayd mid qorsheysan , taasoo ayan wax yeello kasoo gaarin Dadka rayidka ah ee halkaasi ka dhawaa.Africom ayaa ugu dambayntii ballan qaadday inay sii wadi doonaan hawlgallada balaaran ee ay ku baacsanayaan ururka Al-shabaab iyagoo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Comments
Post a Comment