War Deg deg ah Dagaalyahano Al Shabaab ah oo Madaafiic ku weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Ururka Al-Shabaab, gaar ahaan guutada Madaafiicda ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya Degmada Waajid, sida ay xaqiijiyeen dadkadegaanka.Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhigaciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.Ilo madax banaan ayaa inoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray.Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid.Ciidanka Itoobiya oo garab ka helaya kuwaDowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.29-kii December Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar Hoobiyeyaal loo adeegsaday waxa ay xilli habeen ah ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Qore Ahmed Jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.