Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabay inuu duqeynaayo Mareykanka

Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in dhamaan Mareykanka uu ku jiro imika xeendaabka hubkiisaNiyukleerka .Waxa uu intaa ku daray in uu mar waliba keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay, awoodna uu u leeyahay inuu ku rido dalka Mareykanka.Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn, haddii loo maleynaayo dhanka hanjabaada.Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal xun oo gaaray in Warbaahinta la isku dhaafsado hanjabaado kala duwan oo ku aadan in la isweeraraayo.

Qore Ahmed Jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.