Maxamuud Cabaas:- “Qudus waxa ay sii ahaan doontaa Caasimadda Falastiin”

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa sheegay in Magaalada Barakeysan ee Qudus tahay, waligeedne ahaan doono Caasimadda Falastiin.Hadalkaan oo uu ka jeediyey Magaalada Raamallaah ayuu Madaxweyne Cabaas sheegay in si kasta oo la iska indha tiro aanan gacantooda ka baxeen Magaaladaas Barakeysan, waxa uuna dhanka kale shaaciyey in aanan Marnaba la dafiri karin Kacdoonka Falastiiniyiinta ee Isreal ka dhanka ah.53-sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ururka Fatax oo ka dhacday Madaxtooyada kutaalla Raamallaah ayuu ka sheegay in wali halgankoodii uu soconayo,Kacdoonkooduna yahay in ay furtaan Magaalooyinka Gacanta Yuhuudda ku jira.Sababaha Mareykanka ay ugu saareen in uu hormuud ka ahaado wadamada Dhex dhexaadinaya Falastiin iyoIsreal ayuu ku sheegay in uu ka saaray Liiskaasi Madaxweyne Trump oo guud ahaan wax waliba kubadalay Go’aankiisa aananmarnaba socon doonin.“Illaa inta aan Guusha ka heleyno, Waxaan u dagaalami doonaa dhulkeena, waxaynu nahaydad u sabraya marxalad waliba oo soo wajahdo” ayuu yiri Madaxweyne Cabaas.“Arrinta Qudus waxa ay mideyneesaa guud ahaan koox waliba oo kala tagta oo Muslimiinta kamid ah, Waana tan isku xirtay dareenka Muslimiinta dibad baxyada iyo Kacdoonka wada, WiilashaCarabta ee Geesiyaasha ahoow, Marnaba uusan badalmin Mowqifkiina ah in aad difaacdaan Magaalada Qudus iyo Xuquuqda shacabka dulanee Falastiin” ayuu yiri.Ugu dambeyn Dhalinyarada Reer Falastiin ayuu ka dalbadayin ay sii wadaan Kacdoonkooda ka dhanka ah Mareykanka, Isreal iyo cid waliba xulafo la noqotoayuu yiri.

Qore Ahmed jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.