Qandaraaska shidaal baarista Somaliland oo lagu Wareejiyay sharikad China laga leeyahay

Somaliland ayaa maanta sheegtay in Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ay ku wareejisay degaano ku yaalla maamulka Somaliland, kuwaasoo laga baari doono Shidaal.Sharikaddaasi oo lagu magacaabo BGP, ayaa Shiddaal ka baari doonta Gobollada Sanaag iyo Saaxil,waxaana ay shaqo bilaabi doontaa Bisha February ee Sanadkaan.Sharikadda BGP,waxaa shaqaaleysiistay Sharikadda RAK GAS oo fadhigeedu yahay Imaaraadka,taas oo Somaliland kala heshiisay qandaraaska Shidaal baarista degaannada Somaliland.Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay in shidaal baarista ay muhiim u tahay Somaliland, waxaana dadka kunool gobolada Sanaag iyo Saaxil ugu baaqay in ay la shaqeeyaan.

Qore Ahmed Jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.