Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay hoygiisa ku booqday Senator Cabdi Qeybdiid

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ujeedka booqashadiisa la xiriirtay in uu la qeybsado Senetorka dareenka ka dhashay falkii lagu weeraray Gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen ciidamo hubeysan, kadibna Gurigiisa ka fuliyay baaritaano.Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay dowladdu ka jawaabi doonto.Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.Mas'uuliyiintii booqatay guriga Senator -ka kaddib markii uu weerarka dhacay waxaa ka mid ahaa Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo arkay khasaaraha la gaarsiiyay guriga, waxaana uu guddoomiyuhu ku tilmaamay falkaas in uu ahaa midlaga xumaado oo aan la aqbali karin.

Qore Ahmed Jama AK

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.