Ciidamada Booliska oo qabtay rag sameynaayay Aqoonsiyada dowladda

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa soo qabtay rag la sheegay inay Documentiyo been abuur ku sameynayeen Suuqa CabdallaShideeye ee Magaalada Muqdisho.Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay raggaan, ayaa shegay inay ku soo qabteen iyaga oo sameynaya aqoonsiyada qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Federalka Somaliya iyo Documentiyo kale ooGobolka ay leeyihiin.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la gaarsiiyay warbixintan, ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyadaqaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta.“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan Dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiriGuddoomiyaha gobolka Benaadir.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.