Xildhibaannada Galmudug oo maanta u fariisanaya mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah maamul gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in uu soconayo qaban qaabada kulan la doonayo in looga dodo mooshin ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey.Xildhibaanno gaaraya 97 mudane ayaa maalintii shalay mooshin ka keenay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaana Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ay maanta bilaabayaan dooda ugu horeysa, iyadoo maalinta berrina cod u qaadaya.Lama oga in isla maanta ay codka kalsoonida uqaadayaan madaxweyne ku-xigeenka iyo in kale, hasse ahaatee mooshinka la soo gudbiyayayaa ah kalsooni kala noqosho.Maalintii shalay xildhibaanno ku shiray Cadaado ayaa sheegay in kalsoonidii kala noqdeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo dhankiisa warka arintaa ku saabsan beeniyay isaga oo sheegay in Cadaado aysan joogin xildhibaanno kulan yeelan kara..Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso Galmudug, isla markaana ay gadaal ka riixeyso Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir.Magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado ayaa fadhi u kala noqotay labada dhinac ee uu khilaafka u dhaxeeyo, waxaana Galmudug qarka u saaran tahay inay yeelato Labo Guddoomiye Baarlamaan iyo labo Madaxweyne

Comments

Popular posts from this blog

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Erayo Jacayl ah

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.