Posts

Showing posts from December, 2017

Guddiga joogtada baarlamaanka ooka hor yimid soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Image
Axad, December, 31, 2017 (HOL) -Guddiga Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshayXarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan Xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud eeQaranka Dr. Axmed Cali Dahir.Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 16kii bishan Shir jaraa’id ku sheegay in guddoonka baarlamaanka uu ka dalbanayo inXasaannada lagala noqdo labadaxildhibaan ee kala ah Xassan Macalin iyo Cabdi Saamir Shuuriye si sharciga loo horgeeyoisaga oo ku eedeeyay wax uu uguyeeray ‘’Qaran Dumisnimo’’Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

Britain oo malaayiin doolar ku bixiso in laga saaro waxyaabaha xagjirka baraha bulshada

Image
Wasiirka ammniga ee dalka Britian ayaa ku eedeeyay shirkaddaha adeegyada internet-ka inay ku fashilmeen inay gacan ka geystaan wax ka qabashada halista argagixisada, iyo in ay yihiin “beenayaal faa’iido doon ah”.Wasiirka Wasaaradda Ammniga Ben Wallace, ayaa sheegay in baraha bulshada sida Facebook, Google iyo Youtube, ay aad ugu liitaan inay ka saaraan barahaasi waxyaabaha xagjirka ah, taasi oo ku qasabtay xukuumadda Britain inay ku bixiso malaayiin doolar si loola tacaalo dhibaatada ka dhalan karta umuurtaasi.Wasiirka ayaa ka digay in shirkaddaha internet-ka la canshuuri doono hadii aysan iskaashi la sameyn xukuumadda.Wasiirka oo Axadii la hadlayay Waregeyska Sunday Times, ayaa waxa uuMr Wallace sheegay in internet-ku noqday “goob fowdo iyo rabsho ah”, sababtoo ah nidaamyada fariinta la isugu duubo oo qarsoon.Sida shirkadda WhatsApp-kaoo kale oo diiday inay gacan ka siiyaan laamaha ammaanka in la aqoonsado argagixisada. Qore Ahmed Jama AK

Mareykanka oo macluumaad dheeri ah ka bixiyay duqeyn ay ka geysteen Somalia

Image
Taliska Ciidanka Maraykankaee Afrika (Africom) ayaa sheegay inay diyaaradahooda dagaalku dileen Afar ka tirsan Al-Shabaaba, isla maraakanaay burburiyeen Gaari miineysan oo la doonayay in lagu qarxiyo gudaha Muqdisho.Duqeynta oo la sheegay inay ka dhacday meel 25 Km qiyaastii dhanka Koofureed kaga beegan Muqdisho ayaa ahayd mid qorsheysan , taasoo ayan wax yeello kasoo gaarin Dadka rayidka ah ee halkaasi ka dhawaa.Africom ayaa ugu dambayntii ballan qaadday inay sii wadi doonaan hawlgallada balaaran ee ay ku baacsanayaan ururka Al-shabaab iyagoo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. G