Posts

Showing posts from January, 2018

War Deg deg ah Dagaalyahano Al Shabaab ah oo Madaafiic ku weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah

Image
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Ururka Al-Shabaab, gaar ahaan guutada Madaafiicda ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya Degmada Waajid, sida ay xaqiijiyeen dadkadegaanka.Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhigaciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.Ilo madax banaan ayaa inoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray.Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Degmada Waajid.Ciidanka Itoobiya oo garab ka helaya kuwaDowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u m

Qandaraaska shidaal baarista Somaliland oo lagu Wareejiyay sharikad China laga leeyahay

Image
Somaliland ayaa maanta sheegtay in Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ay ku wareejisay degaano ku yaalla maamulka Somaliland, kuwaasoo laga baari doono Shidaal.Sharikaddaasi oo lagu magacaabo BGP, ayaa Shiddaal ka baari doonta Gobollada Sanaag iyo Saaxil,waxaana ay shaqo bilaabi doontaa Bisha February ee Sanadkaan.Sharikadda BGP,waxaa shaqaaleysiistay Sharikadda RAK GAS oo fadhigeedu yahay Imaaraadka,taas oo Somaliland kala heshiisay qandaraaska Shidaal baarista degaannada Somaliland.Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa sheegay in shidaal baarista ay muhiim u tahay Somaliland, waxaana dadka kunool gobolada Sanaag iyo Saaxil ugu baaqay in ay la shaqeeyaan. Qore Ahmed Jama AK

Ciidamada Soomaaliland Oo Albaabada Isugu Dhuftay Hoteelo Ku Yaalla Hargeysa Iyo Burco

Image
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee casimada Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Soomaaliland xalay ilaa Maanta ay wadeen howlgallo looga hortegayo xuska Sanadka Cusub.Ciidamada ayaa galay Hoteelo qaarkood lagu dhigi lahaa munaasabado Sanadka Cusub loogu dabaaldegayo kuwaas oo ku yaalla Hargeysa iyo Burco iyo sidoo kale dhlinyaradii isu diyaarinayay Munaabada Sidoo kale Magaalada Burco ayaa la soo sheegayaa in ciidamadu ay sameeyeen howlgal ay ku qabqabteen dhalinyrado ka qeyb qaadaneysay xuska SanadkaCusub ee 2018,ka isla markaana ay albaabada isugu dhufteen Hoteelo. Qore Ahmed Jama AK

Maxamuud Cabaas:- “Qudus waxa ay sii ahaan doontaa Caasimadda Falastiin”

Image
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa sheegay in Magaalada Barakeysan ee Qudus tahay, waligeedne ahaan doono Caasimadda Falastiin.Hadalkaan oo uu ka jeediyey Magaalada Raamallaah ayuu Madaxweyne Cabaas sheegay in si kasta oo la iska indha tiro aanan gacantooda ka baxeen Magaaladaas Barakeysan, waxa uuna dhanka kale shaaciyey in aanan Marnaba la dafiri karin Kacdoonka Falastiiniyiinta ee Isreal ka dhanka ah.53-sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ururka Fatax oo ka dhacday Madaxtooyada kutaalla Raamallaah ayuu ka sheegay in wali halgankoodii uu soconayo,Kacdoonkooduna yahay in ay furtaan Magaalooyinka Gacanta Yuhuudda ku jira.Sababaha Mareykanka ay ugu saareen in uu hormuud ka ahaado wadamada Dhex dhexaadinaya Falastiin iyoIsreal ayuu ku sheegay in uu ka saaray Liiskaasi Madaxweyne Trump oo guud ahaan wax waliba kubadalay Go’aankiisa aananmarnaba socon doonin.“Illaa inta aan Guusha ka heleyno, Waxaan u dagaalami doonaa dhulkeena, waxaynu nahaydad u sabraya marxala

Ra’iisal wasaare Kheyre oo xalay hoygiisa ku booqday Senator Cabdi Qeybdiid

Image
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ujeedka booqashadiisa la xiriirtay in uu la qeybsado Senetorka dareenka ka dhashay falkii lagu weeraray Gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen ciidamo hubeysan, kadibna Gurigiisa ka fuliyay baaritaano.Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay dowladdu ka jawaabi doonto.Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.Mas'uuliyiintii booqatay guriga Senator -ka kaddib markii uu

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabay inuu duqeynaayo Mareykanka

Image
Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in dhamaan Mareykanka uu ku jiro imika xeendaabka hubkiisaNiyukleerka .Waxa uu intaa ku daray in uu mar waliba keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay, awoodna uu u leeyahay inuu ku rido dalka Mareykanka.Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn, haddii loo maleynaayo dhanka hanjabaada.Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal xun oo gaaray in Warbaahinta la isku dhaafsado hanjabaado kala duwan oo ku aadan in la isweeraraayo. Qore Ahmed Jama AK