Posts

Showing posts from March, 2017

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.

Qore Axmed Jama AK March 17 2017 Ateltico v Leicester CityAtletico Madrid iyo Leicester labo jeer ayay isku arkeen tartamada Yurub, kooxda reer Spain ayaa badisay labadaas jeerba. Wareegii hore ee European Cup Winners Cup ee xilli ciyaareedkii 1961/62 oo ay Atletico Madrid natiijo wadareed 3-1 ku badisay iyo wareegii hore ee UEFA Cup ee xilli ciyaareedkii 1997-98 oo ay Atletico natiijo wadareed 4-2 ku badisay.Atlético waligeed guuldarro kama aysan soo gaarin koox Ingariis ah iyagoo gurigooda ku ciyaara, 10 jeer ayay kooxaha Ingariis soo dhaweeyeen shan guul iyo shan barbaro ayayna ka heleen. Laakiin 10ii kulan ee ay England booqdeenkaliya labo jeer ayay badiyeen afarjeer waa laga badiyay waxaana ay barbaro galeen afar jeer.Booqashadoodii ugu danbeysay ee England waxa ay aheyd mid guul ah iyagoo 3-1 kaga badisay Chelsea sannadii 2014 semi-finalka Champions League ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay lugtii hore soo galeen. Fernando Torres iyo Diego Costa oo labada kooxood u kala joo

Ayaa Guul Badan Bayern & Real?Waa Sidee Rikoorka Juve & Barca? Xaqiiqooyin Ku Saabsan Kulamada Wareega Sideed Dhamaadka Champions League.

Qore Axmed Jama AK March 17 2017 Ateltico v Leicester CityAtletico Madrid iyo Leicester labo jeer ayay isku arkeen tartamada Yurub, kooxda reer Spain ayaa badisay labadaas jeerba. Wareegii hore ee European Cup Winners Cup ee xilli ciyaareedkii 1961/62 oo ay Atletico Madrid natiijo wadareed 3-1 ku badisay iyo wareegii hore ee UEFA Cup ee xilli ciyaareedkii 1997-98 oo ay Atletico natiijo wadareed 4-2 ku badisay.Atlético waligeed guuldarro kama aysan soo gaarin koox Ingariis ah iyagoo gurigooda ku ciyaara, 10 jeer ayay kooxaha Ingariis soo dhaweeyeen shan guul iyo shan barbaro ayayna ka heleen. Laakiin 10ii kulan ee ay England booqdeenkaliya labo jeer ayay badiyeen afarjeer waa laga badiyay waxaana ay barbaro galeen afar jeer.Booqashadoodii ugu danbeysay ee England waxa ay aheyd mid guul ah iyagoo 3-1 kaga badisay Chelsea sannadii 2014 semi-finalka Champions League ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay lugtii hore soo galeen. Fernando Torres iyo Diego Costa oo labada kooxood u kala joo

Chelsea vs Spurs – Arsenal vs Man City – Taariikhda & Saacadda La Ciyaari Doono Kulamada Quarter Finalka FA Cup-ka Oo La Shaaciyay.

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Inkastoo qof walba uu ku mashquulsan yahay isku aadka koobka horyaalada yurub ee Champions League hadana, xiriirka FA-ga Ingiriiska ayaa soo saaray taariikhda iyo waqtiyada ay dhici doonaa kulamada wareega quarter finalka koobka qadiimiga ah ee FA Cup-ka. Kooxaha magaalada London aad ugu xifaaltama ee Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa is wajahi wareegaan iyagoo si awood leh kusoo gaaray waxeyna soo kala reebeen Millwall iyo Manchester United. CHELSEA vs TOTTENHAM: Kulanka London Derby wuxuu dhici doonaa maalin Sabti ah – 22-ka April, saacadda Geeska Afrika markey tahay 8:15 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika. ARSENAL VS MAN CITY: Pep Guardiola vs Arsene Wenger – kulankooda wuxuu dhici doonaa Axad, 23-ka April, Saacadda geeska Afrika markey tahay 6:00 Maribnimo xiliga Geeska Afrika. Arsenal waa kooxdii ku guuleysatay tartankaan 2014 iyo 2015, waxeyna wareegii hore soo reebtay kooxda yar ee Lincoln, halka City ay soo quusisay Middle

DEG-DEG: Anderlecht vs Man United, Ajax vs Schalke – Isku Aadka Wareega Quarter Finalka Europa League Oo La Sameeyay

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Isku aadka tartanka labaad ee ugu xiisaha badan qaaradda yurub UEFA Europa League ayaa la sameeyay kadib isku aadkii UEFA Champions League – waxaana koobkaan isha lagu wada hayay kaliya kooxda Manchester United oo ah kooxda ugu tunka weyn ee ku jirta marka la fiiriyo hanaanka taariikhiga ah ee qaaradda yurub. Manchester United waxey ku aaday kooxda Anderletch ee dalka Belgium-ka, Maroune Fellaini ayaana dib ugu laaban doona dalkiisa kulanka lugta hore ee la booqan doono kooxda Anderletch. Dhinaca kale kooxda Celta Vigo ee dalka Spain ayaa ku aaday kooxda Genk ee dalka Belgium-ka, waxaana xusid mudan in Ajax iyo Schalke 04 ay is wajahi doonaan. Lyon oo wareega 16-ka kasoo gudubtay As Roma waxeyna markaan gurigeeda kusoo dhaweyn doontaa lugta hore kooxda Besiktas ee dalka Turkiga. ISKU AADKA OO DHAMEYTIRAN: Anderlecht (BEL) vs Man. United (ENG) Celta (ESP) vs Genk (BEL) Ajax (NED) vs Schalke (GER) Lyon (FRA) vs Beşiktaş (TUR)

Meel Ku Sii Qoro! Taariikhda Ay Koox Walba Ciyaari Doonto Wareega Sideed Dhamaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Sida aan idiin soo gudbinay waxaa la sameeyay isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions League iyadoo kulamo waa weyn oo xiiso badan ay ka soo baxeen sida Bayern Munich iyo Real Madrid oo geesaha isgelin doona iyo ku celiska finalkii Champions League ee 2015 oo Juventus iyo Barcelona ay mar kale is arki doonaan. Hadaba UEFA ayaa haatan shaacisay taariikhda ay koox walba ciyaareyso lugta koowaad iyo lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka Champions League. Kulanka ay Borussia Dortmund martigelineysa Monaco iyo kulanka ay Barcelona u safreysa Juventus ee lugta hore ee wareega 8da ayaa la ciyaari doonaa 11ka bisha April. Kulanka Atletico Madrid soo dhaweyneyso Leicester City iyo kuwa ay Allainz Arena ka dhici doona ee Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa iyadana la ciyaari doonaa 12ka bisha April. Lugta labaad marka ay Leicester City martida u tahay Atletico iyo marka ay Real Madrid soo dhaweyneyso Bayern Munich waxaa la ciyaari doonaa

DEG-DEG: Bayern vs Real, Juve vs Barca – Isku Aadka Wareega Quarter Finalka Champions League Oo La Sameeyay.

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Isku aad aan caadi aheyn ayaa ka dhacay magaalada Nyon ee dalka Switzerland wxaana kasoo baxay xafladda isku aad culus, waxaana la daawan doonaa kulamo loo dhararo oo durba qof walba uu siiyo dareenkiisa kubadda cagta. Bayern Munich iyo Real madrid ayaa isku aaday wareega 8 aad ee koobka horyaalada yuurub, waana mid ka mid ah kulamada ugu weyn ee tartankaan, sidoo kalana kulan kale oo weyn ayaa ka dhacay waana Juventus iyo Barceona kuwaas oo sanadkii 2015 isku arkay finalkii ka dhacay Berlin. Leicester City ayaa wajahi doonta Atletico Madrid, halka Dortmund iyo As Monaco ay isku beegmeen, waxaana inta badan isku aadkaan lagu sifeyn karaa mid kooxaha waaweyn ay isku jabi doonaan ugu yaraan laba kooxood oo aan loo saadalineynin tartankaan ayaa gaari doona Semi Finalka tartanka. ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN: Atletico Madrid vs Leicester City Borrusia Dortmund vs As Monaco Fc Bayern Munich vs Real Madrid Juventus vs Barcelona Kulamada lugta

Miyuu Jose Mourinho Iibin Lahaa Angel Di Maria, Danny Welbeck Iyo Chicharito? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis iibin laheyn Angel Di Maria iyo Javier Hernandez hadii uu kusoo gaari lahaa waqtigooda garoonka Old Trafford. Di Maria ayaa soo gaaray Manchester United 2014 iyadoo laga filayo inuu si fiican uga soo dhalaalo horyaalka Ingiriiska, balse taliskii Louis Van Gaal ayuu ku hoos fasilmay taasoo keentay inuu sanad kadib u guuro Paris Saint Germain halkaaas oo uu ku hantay horyaalka faransiiska sanadkiisii ugu horeeyay. “Markii ugu horeysay ee aan imaanayay waxaan helay koox murugeysan, Manchester United waxey iibisay ciyaartoy aan waligey iibin laheyn, waxeyna soo iibsadeen ciyaartoy aan waligey soo iibsan laheyn” ayuu u sheegay BBC. “Waligey ma iibiyeen Di Maria, Chicharito ama Danny Welbeck” Dhanka kale Mourinho ayaa difaacay qaab ciyaareedka Paul Pogba kaas oo dhaleeceyn culus dusha looga tuuray sidoo kalana wuxuu ka hadlay saameynta Zlatan Ibrahimovic ee kooxdisa. “Uma ahan wax fudud

Suuqa Kala Iibsiga: Barcelona Oo Dooneysa Iney Lasoo Saxiixato Marco Verratti & Hector Bellerin Xagaagan.

Image
Qore Axmed Jaamac AK March 17 2017 Barcelona ayaa dooneysa iney qorshe cusub la timaado xagaaga dambe, waxeyna doonayaan iney soo xerogaliyaan xidigaha da’da yar ee Marco Verratti o ka tirsan Paris Saint Germain iyo Hector Bellerin oo ka tirsan kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal. Tababare Luis Enrique ayaa isaga tagi doona kooxda Balaugrana marka uu dhamaado xagaagan inkastoo aysan wali go’aansan kooxda ka dhisan gobolka Catalan badalkiisa, hadana  durba waxey muujiyeen maamulka iney u heelan yahiin labadaas xidig. Si kastaba Barcelona waxey muddo badan xiiso u qabtay xidigaan reer talyaani waxeyna xiriir la sameysay wakiilkiisa Donato Di Campli kaas oo ay wax ka weydiisay arimahiisa sidoo kalana wuxuu xidigaan sii kasbaday qalbiga maamulka Barcelona kulan ciyaareedkii ay PSG kusoo ciqaabtay magaalada Paris.  wakiilkiisa Donato Di Campli kaas oo ay wax ka weydiisay arimahiisa sidoo kalana wuxuu xidigaan sii kasbaday qalbiga maamulka Barcelona kulan ciyaareedkii

Kooxda Juventus Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiddig Daafaca Uga Ciyaara Oo Ka Dhaawacmay Kulankii PortoMar 16, 2017 -

Waxaa Qoray: Axmed Jaamac AK March 16, 2017. Kooxda Juventus ayaa warbixin ka soo saartay dhaawaca soo gaaray xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Medhi Benatia kulankii ay 1/0 ugabadiyeen kooxda Fc Porto.Wargayska Football Italy ayaa sheegaya in uu xiddigan dhaawac ka soo gaaray muruqa isaga oo si taxadar leh loola socon doono xaaladiisa maalin kasta.Baaritaan xiddigan lagu sameeyay ayaa sheegaya in aanu dhaawacu ahayn mid hali ah laakiin uu u baahan yahay in si taxadar leh loola socdo.Kooxda ayaa warbixinta ku sheegtay in ay xiddigan maalin kasta baaritaanla marin doono si loola socodo horumarka uu samaynayo.Warkan ayaa ah mid aan u fiicnayn kooxda juventus maadama uu xiddigan yahay mid ay kooxdu ku tiirsan tahay oo xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican soo bandhigay

Dib U-Eegid + RASMI: Waa SababtaJose Mourinho U Yahay Macalin Wayn Oo Tartamada Yurub Gadaal Looga Faylo!!

Jose Mourinho ayaa markale kooxdiisa ku hogaamiyey guul wayn kuwaas oo goostay tikidkooda wareega 8-da ee Europe League, iyagoona hal gool oo caato ah ku garaacay kooxda Rostov.Juan Mata ayaa ahaa mudiirka kulankaan kaas oo dhaliyey goolka keliya ee kooxdiisa Man United u baahatay si ay u garaacdo kooxda martida iyo mayal adeega isku darsatay ee Rostov, iyadoo goolhyaha reer Argentina ee Sergio Rumero uu ahaa ciwaan kale oo kulankaan ah.Ducaalenews.com yaa xusaysa in Jose Mourinho uu guul gaaray midkasta oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyey ee uu gurigiisa ku ciyaaray tartanka Europa League,  (Chelsea – 3, Man Utd – 5), waxaanakulamadaas laga dhaliyey labo gool halka ay kooxihiisa dhaliyeen 21 gool.

RASMI: Liiska Xulka Qaranka France Oo La Soo Saaray, Anthony Martial Oo Ka Mid Magacyo Waa Wayn Oo Maqan Iyo Da’yarka Aduunka Ka Yaabsaday Ee Kylian Mbappé Oo La Abaal Mariyay.

Image
Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska xulka qarankiisa ee kulamada caalamiga ah ee dhawaan la ciyaari doono wuxuuna liiska kooxdiisa ka reebay ciyaartoy magac wayn ku leh France. Laakiin da’yarka kooxda AS Monaco ee Kylian Mbappé oo aduunka kubbada cagta kaga yaabsatay tayadiisa ayaa isaga oo 18 sano jir ah looga yeedhay xulka qaranka France. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaan liiska xulka qarankiisa boos uga helin dhamaan xidigaha kala ah A. Lacazette , M. Sissoko,  A. Laporte,  S. Mandanda , T. Bakayoko , Morgan Schneiderlin,  K. Coman,  Anthony Martial iyo Karim Benzema oo markan la filayay in ciqaabta laga qaadayo. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa eedaynta badan ee loo soo jeedinayo Paul Pogba oo liiskan ku soo baxay ka difaacay wuxuuna yidhi: ” Dadku isaga ayay markasta ka hadli doonaan, anigu waxaan ku faraxsanahay bandhigiisa Manchester United”. Laakiin Kylian Mbappé uu ku soo baxay liis

Man United Oo Iska Xaadirisay Siddeed Dhamaadka Europa Leaque-ga, Juan Mata Oo FC Rostov Dhulka Dhigay Xili Paul Pogba & Daley Blind Dhaawacyo Soo Gaadheen.

Image
Juan Mata ayaa kooxdiisa Manchester United ka caawiyay in ay u soo baxdo wareega siddeed dhamaadka tartanka labaad ee kooxaha Yurub ee Europa Leaque-ga kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee ay Rostov guusha kaga gaadhay kulankii Old Traffrod ka qabsoomay. Man United oo sharciga goolkii martida ahaa ugu soo bixi kartay wareega xiga ee Europa Leaque-ga ayaa xili danbe heshay goolka ay booskeeda ku sii xaqiijisatay. Laakiin Manchester United ayaa kulankan ku wayday Paul Pogba iyo Daley Blind oo labada xidigba kulankan dhaawac looga saaray inkasta oo ay Red Devils qiimayn doonto xaaladooda. Mourinho iyo kooxdiisa ayaa qayb ka noqonaya kooxaha loo samayn doono isku aadka sideed dhamaadka Europa Leaque-ga. Man United ayay sideed dhamaadka Euorpa Leaque-ga kula biirtay kooxaha Ajax,  Anderlecht,  Beşiktaş, Celta Vigo, Genk , Lyon iyo Schalke. SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD: Manchester United (4-2-3-1): Romero; Valencia, Smalling, Bailly, Rojo; Blind, Herrerra; Mkhitaryan

United oo kusii dhawaaneysa saxiixa Lukaku

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa u muuqda in ay yihiin labada kooxood ee sida tooska ah ugu dagaalamaya saxiixa gool dhaliyaha kooxda Everton ee Romelu Lukaku kaas oo cadaystay in aanu Everton ku gaadhaydh hamigiisa ah in uu koobab ku guulaysto isla markaana uu Champions leaque-ga ka ciyaaro. Chelsea ayaa markii hore u muuqatay in ay tahay kooxda Lukaku dib ugu soo celin kartay Stamford Bridge laakiin Mourinho ayaa u muuqda in uu kooxdiisii hore ee Blues ku garaacayo saxiixa xidigii uu sida sahlan Chelsea kaga diray ee Lukaku. 23 jirkan ayaa hogaaminaya gool dhalinta premier Leaque-ga oo uu 19 gool ilaa hadda ka soo dhaliyay. Waxaa wararkii Manchester United la xidhiidhinayay Lukaku dabka ku sii shiday in wakiilka xidigan ee Mino Raiola uu soo gaadhay Hotelka ay dagan yihiin ciyaartoyda Manchester United iyo macalinkooda Mourinho ee ka hor kulanka Rostov ee Europa Leaque-ga. In wakiilka Lukaku ee Mino Raiola uu soo gaadhay Manchester ayaan cirka ku shareertay warark